Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 107:15-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!

16. Waayo, irdihii naxaasta ahaa wuu kala jejebiyey, Qataarradii birta ahaana wuu burburiyey.

17. Nacasyadu waxay u dhibban yihiin xadgudubkooda aawadiis, Iyo xumaatooyinkooda aawadood.

18. Naftoodu waxay nacdaa cunto kasta, Oo waxay ku soo dhowaadaan irdaha dhimashada.

19. Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban, Oo isna wuxuu ka soo badbaadiyaa dhibaatooyinkooda.

20. Wuxuu soo diraa eraygiisa, wuuna bogsiiyaa iyaga, Oo wuxuu ka samatabbixiyaa halligaaddooda.

21. Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!

22. Iyagu allabariga mahadnaqidda ha bixiyeen, Oo shuqulladiisa gabay ha ku sheegeen.

23. Kuwa badda doonniyaha ku mara, Oo shuqulkooda ku sameeya biyaha badan,

24. Kuwaasu waxay arkaan Rabbiga shuqulladiisa, Iyo yaababkiisa moolka ku jira.

25. Waayo, wuxuu amraa oo kiciyaa dabaysha duufaanka, Taas oo kor u qaadda hirarka badda.

26. Waxay u kacaan xagga samada, oo haddana waxay hoos ugu soo dhacaan moolalka, Naftoodiina waxay ku dhalaashay dhibaato daraaddeed.

27. Hore iyo dib bay isaga daba noqdaan, oo sida nin sakhraan ah bay dhacdhacaan, Oo waxay sameeyaan ayay garan waayaan.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 107