Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 105:30-43 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

30. Rahyo waa ku bateen dhulkoodii Iyo qolalka boqorkoodiiba.

31. Isagu waa hadlay, markaasaa waddankoodii oo dhan Waxaa yimid duqsi faro badan iyo injir.

32. Oo roob ahaan wuxuu u siiyey roob dhagaxyaale, Dalkoodiina wuxuu ku soo daayay dab ololaya.

33. Wuxuu wax ku dhuftay geedahoodii canabka ahaa iyo geedahoodii berdaha ahaaba, Oo dhirtii waddankooda ku tiilna wuu jejebiyey.

34. Wuu hadlay, markaasaa waxaa yimid ayax, Iyo diir aan la tirin karin,

35. Oo waxay wada cuneen geedo yaryar oo kasta oo dalkooda ku yiil, Wayna dhammaysteen midhihii dhulkooda.

36. Oo weliba wuxuu wada laayay curadyadii dalkooda oo dhan, Kuwaas oo ahaa bilowgii xooggooda.

37. Oo wuxuu dibadda u bixiyey reer binu Israa'iil iyagoo wata lacag iyo dahab, Oo qabiilooyinkiisiina mid taagdarani kuma uu jirin.

38. Reer Masarna way ku farxeen kolkay ambabbexeen, Waayo, cabsidoodii baa ku dhacday.

39. Wuxuu korkooda ku kala bixiyey daruur inay qariso, Iyo dab habeenkii iftiin u noqda.

40. Wax bay weyddiisteen, markaasuu u keenay digaag duur, Oo wuxuu ka dhergiyey kibistii samada.

41. Dhagaxii ayuu dillaaciyey, markaasay biyo ka soo buqdeen, Oo meelihii engegnaa ayay ku durdureen sidii webi oo kale.

42. Waayo, wuxuu soo xusuustay eraygiisii quduuska ahaa, Oo uu kula hadlay addoonkiisii Ibraahim.

43. Dadkiisiina wuxuu soo bixiyey iyagoo faraxsan, Kuwii uu doortayna iyagoo gabyaya.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 105