Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 105:19-33 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Ilaa wakhtigii eraygiisu noqday Eraygii Rabbiga ayaa isaga tijaabiyey.

20. Markaasaa boqorkii u cid diray oo furay, Kaas oo ahaa taliyihii dadyowga, wuuna sii daayay.

21. Oo wuxuu isagii ka dhigay sayidkii reerkiisa, Iyo taliyihii maalkiisa oo dhan,

22. Inuu amiirradiisa xidho markuu doonayoba, Oo uu odayaashiisana xigmad baro.

23. Israa'iilna wuxuu yimid dalkii Masar, Yacquubna wuxuu qariib ahaan u joogay dalkii Xaam.

24. Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey, Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.

25. Qalbigoodii wuxuu u beddelay si ay dadkiisa u nebcaadaan, Iyo si ay addoommadiisa u khiyaaneeyaan.

26. Wuxuu u soo diray addoonkiisii Muuse, Iyo Haaruun oo uu doortay.

27. Oo waxay dhexdooda ku sameeyeen calaamooyinkiisii, Oo dalkii Xaamna waxay ku sameeyeen yaabab.

28. Wuxuu u soo diray gudcur, dalkiina gudcur buu ka dhigay, Oo iyana hadalkiisii kuma ay caasiyoobin.

29. Biyahoodii wuxuu u beddelay dhiig, Oo kalluunkoodiina wuu wada laayay.

30. Rahyo waa ku bateen dhulkoodii Iyo qolalka boqorkoodiiba.

31. Isagu waa hadlay, markaasaa waddankoodii oo dhan Waxaa yimid duqsi faro badan iyo injir.

32. Oo roob ahaan wuxuu u siiyey roob dhagaxyaale, Dalkoodiina wuxuu ku soo daayay dab ololaya.

33. Wuxuu wax ku dhuftay geedahoodii canabka ahaa iyo geedahoodii berdaha ahaaba, Oo dhirtii waddankooda ku tiilna wuu jejebiyey.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 105