Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 103:5-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Oo kaa dhergiya waxyaalaha wanwanaagsan, Si ay dhallinyaranimadaadu ugu cusboonaato sida gorgorka oo kale.

6. Rabbigu wuxuu falaa xaqnimo, Gar buuna u gooyaa kuwa dulman oo dhan.

7. Isagu wuxuu Muuse garansiiyey jidadkiisii, Reer binu Israa'iilna falimihiisii.

8. Rabbigu waa raxmad badan yahay, waana nimco miidhan, Cadho wuu u gaabiyaa, waana naxariis badan yahay.

9. Isagu had iyo goor wax canaanan maayo, Oo sii cadhaysnaan maayo ilaa weligiis.

10. Isagu inoolama uu macaamiloon sidii dembiyadeennu ahaayeen, Oo inooguma uu abaalmarin sidii xumaatooyinkeennu ahaayeen.

11. Waayo, sida samadu dhulka uga sarrayso, Sidaas oo kalaa naxariistiisu ugu weyn tahay kuwa isaga ka cabsada.

12. Sida barigu uga fog yahay galbeedka, Sidaas oo kaluu xadgudubkeennii inooga fogeeyey.

13. Sida aabbe carruurtiisa ugu naxo oo kale Ayaa Rabbigu ugu naxaa kuwa isaga ka cabsada.

14. Waayo, abuuristeennuu og yahay, Oo wuu xusuusan yahay inaan innagu ciid nahay.

15. Laakiinse dadka cimrigiisu waa sida doog oo kale, Sida ubaxa berrinka ayuu u barwaaqoobaa.

16. Waayo, dabayl baa dul marta, wuuna baabba'aa, Oo meeshiisiina mar dambe ma aqoon doonto.

17. Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba, Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,

18. Kuwaas oo ah kuwa axdigiisa xajiya Iyo kuwa amarradiisa xusuusta oo wada yeela.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 103