Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 103:3-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Isagaa kaa cafiya dembiyadaada oo dhan, Oo kaa bogsiiya cudurradaada oo dhan,

4. Oo naftaada ka badbaadiya halligaadda, Oo raxmad iyo naxariis kugu barakeeya,

5. Oo kaa dhergiya waxyaalaha wanwanaagsan, Si ay dhallinyaranimadaadu ugu cusboonaato sida gorgorka oo kale.

6. Rabbigu wuxuu falaa xaqnimo, Gar buuna u gooyaa kuwa dulman oo dhan.

7. Isagu wuxuu Muuse garansiiyey jidadkiisii, Reer binu Israa'iilna falimihiisii.

8. Rabbigu waa raxmad badan yahay, waana nimco miidhan, Cadho wuu u gaabiyaa, waana naxariis badan yahay.

9. Isagu had iyo goor wax canaanan maayo, Oo sii cadhaysnaan maayo ilaa weligiis.

10. Isagu inoolama uu macaamiloon sidii dembiyadeennu ahaayeen, Oo inooguma uu abaalmarin sidii xumaatooyinkeennu ahaayeen.

11. Waayo, sida samadu dhulka uga sarrayso, Sidaas oo kalaa naxariistiisu ugu weyn tahay kuwa isaga ka cabsada.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 103