Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sabuurradii 102:6-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Anigu waxaan la mid ahay haad cantalyaa ah oo cidlada joogta, Oo waxaan la mid noqday haad guumays ah oo lamadegaanka dhex joogta.

7. Waan soo jeedaa, oo waxaan noqday Sidii shimbir yar oo keligeed guri dhaladiis saaran.

8. Maalinta oo dhan cadaawayaashaydu way i caayaan, Oo kuwa ii cadhaysanuna magacaygay ku caytamaan.

9. Waayo, dambas baan u cunay sidii kibis oo kale, Oo cabniinkaygiina waxaan ku darsaday ilmadaydii.

10. Sababtuna waa dhirifkaagii iyo cadhadaadii aawadood, Waayo, kor baad ii qaadday, dabadeedna waad i xoortay.

11. Cimrigaygu waa sida hoos sii libdhaya, Oo waxaan u engegay sida caws oo kale.

12. Laakiinse Rabbiyow, adigu weligaaba waad sii jiri doontaa, Oo waa lagu sii xusuusan doonaa ka ab ka ab.

13. Waad sara joogsan doontaa, oo Siyoon baad u naxariisan doontaa, Waayo, waa wakhtiga iyada loo jixinjixo, haah, oo wakhtigii la ballamay waa yimid.

akhri dhamaystiran cutubka Sabuurradii 102