Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ruud 4:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Bocas wuxuu tegey iriddii magaalada, oo halkaasuu fadhiistay; oo bal eeg waxaa ag yimid ninkii Bocas ka hadlay ee ahaa xigaalka uga dhow. Markaasuu wuxuu ku yidhi, War, hebelow, soo leexo, oo bal kaalay, halkan fadhiiso. Kolkaasuu soo leexday oo fadhiistay.

2. Markaasuu wuxuu soo kaxaystay toban nin oo odayaashii magaalada ah, oo wuxuu ku yidhi, Bal halkan fadhiista, oo iyana way fadhiisteen.

3. Markaasuu wuxuu ku yidhi ninkii xigaalka u dhow ahaa, Nimco oo ka soo noqotay waddankii reer Moo'aab ayaa iibinaysa jagadii dhulka ahayd ee uu lahaa walaalkeen Eliimeleg.

4. Oo waxay ila noqotay inaan ku ogeysiiyo inaad ku iibsato kuwa halkan fadhiya iyo odayaasha dadkayga hortooda. Haddaad doonaysid inaad iibsatid, iibso, laakiinse haddaanad doonaynin inaad iibsatid ii sheeg aan ogaadee, waayo, nin kaaga dhow oo iibsanaya ma jiro, oo anna adigaan kaa dambeeyaa. Isna wuxuu yidhi, Waan iibsanayaa.

5. Markaasaa Bocas wuxuu yidhi, Maalintii aad Nimco gacanteeda beerta ka iibsatid, waa inaad Ruud tii reer Moo'aabna ka iibsataa, taasoo ah naagtii kii dhintay, inaad kii dhintay magiciisii ku soo celisid dhulkii dhaxalkiisa ahaa.

akhri dhamaystiran cutubka Ruud 4