Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ruud 3:13-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Haddaba bal caawa iska joog, oo subaxdana hadduu isagu kuu sameeyo waxa xigaalka waajibka ku ah waa hagaag, ha sameeyo, laakiinse haddaanu kuu yeelin waajibka xigaalka, de markaas Rabbiga noloshiisaan kuugu dhaartaye, anaa kuu samaynaya.

14. Oo iyana cagihiisay jiifsatay ilaa subaxdii, markaasay waxay kacday intaan qof qof kale laga garan karin. Waayo, wuxuu yidhi, Yaan la ogaanin in naagu timid meesha hadhuudhka lagu tumo.

15. Oo wuxuu ku yidhi, Garbasaarta korkaaga saaran bal keen, oo hoori, kolkaasay hoorisay; markaasuu wuxuu ugu miisay lix koombo oo shaciir ah, wuuna u saaray; oo isna magaaladuu galay.

16. Oo markay soddohdeed u timid, Nimco waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, tumaad tahay? Markaasay waxay u sheegtay wixii ninku u sameeyey oo dhan.

17. Oo waxay tidhi, Lixdatan koombo oo shaciirka ah isagii baa i soo siiyey, waayo, wuxuu igu yidhi, Adoo faro madhan soddohdaa ha u tegin.

akhri dhamaystiran cutubka Ruud 3