Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ruud 2:20-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

20. Markaasaa Nimco waxay ku tidhi gabadhii ay soddohda u ahayd, Rabbigu ha barakeeyo kan aan roonaantiisa ka dayn kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Oo Nimco waxay ku tidhi iyadii, Ninku waa noo dhow yahay oo waa xigaalkayo, oo waa qaraabadayada noo dhow midkood.

21. Markaasaa Ruud tii reer Moo'aab waxay tidhi, Oo weliba wuxuu igu yidhi, Waa inaad la joogtaa raggayga dhallinyarada ah ilaa ay dhammeeyaan beertayda ay gooynayaan.

22. Markaasaa Nimco waxay ku tidhi gabadhii Ruud oo ay soddohda u ahayd, Gabadhaydiiyey, waa wanaagsan tahay inaad gabdhihiisa raacdid oo aan lagugula kulmin beer kaleto.

23. Sidaas daraaddeed waxay la sii joogtay gabdhihii Bocas inay xaabxaabto beerta ilaa gooyntii shaciirka iyo gooyntii sarreenkuba dhammaadeen, oo waxayna la degganayd soddohdeed.

akhri dhamaystiran cutubka Ruud 2