Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Ruud 1:13-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. haddaba ma waxaad sugaysaan ilaa ay ka koraan? Oo ma sidaas baad isaga daynaysaan inaad niman guursataan? Gabdhahaygiiyow, maya, waayo, taasaan aad uga xumaanayaa idinka aawadiin, waayo, waxaa igu soo baxday gacanta Rabbiga.

14. Markaasay codkoodii kor u qaadeen oo haddana way ooyeen; Corfahna soddohdeed bay dhunkatay; Ruudse way ku soo dhegtay.

15. Oo Nimco waxay ku tidhi, Bal eeg, dumaashidaa waxay ku noqotay dadkeedii iyo ilaaheedii; haddaba adna dumaashidaa daba gal.

16. Kolkaasaa Ruud waxay ku tidhi, Ha iga baryin inaan kaa tago, oo aan kaa noqdo, oo aanan ku raacin; maxaa yeelay, meeshii aad tagtid waan tegi doonaa; meeshaad degtidna waan degi doonaa, dadkaaguna wuxuu noqon doonaa dadkayga, Ilaahaaguna wuxuu noqon doonaa Ilaahayga.

17. Meeshaad ku dhimatid ayaan ku dhiman doonaa, oo halkaasaa laygu aasi doonaa. Rabbigu sidaas ha igu sameeyo iyo ka sii badanba, haddii aniga iyo adiga, dhimasho mooyaane, wax kaleto ina kala kexeeyaan.

18. Oo Nimco, markay aragtay inay aad iyo aad ugu adkaysatay inay raacdo ayay hadalkii ka daysay.

19. Sidaas daraaddeed labadoodiiba way israaceen ilaa ay yimaadeen Beytlaxam. Oo markay Beytlaxam yimaadeen, magaaladii oo dhammu waa ku soo ururtay, oo dumarkiina waxay yidhaahdeen, Tanu ma Nimco baa?

akhri dhamaystiran cutubka Ruud 1