Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Nexemyaah 6:8-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Markaasaan u cid diray oo ku idhi, Waxaad leedahay oo kale halkan innaba laguma samayn, laakiinse adigaa qalbigaaga ka soo hindisay.

9. Waayo, dhammaantood waxay doonayeen inay na cabsiiyaan, oo waxay isyidhaahdeen, Shuqulkay ka daali doonaan, mana dhammayn doonaan. Laakiinse, Ilaahow, xoog ii yeel.

10. Markaasaan tegey gurigii Shemacyaah ina Delaayaah oo ahaa ina Meheetabeel oo xidhnaa; oo wuxuu igu yidhi, Guriga Rabbiga oo ah macbudka dhexdiisa aan ku kulanno, oo aan xidhanno albaabbada macbudka, waayo, iyagu waxay u iman doonaan inay ku dilaan. Haah, oo habeennimada ayay u soo iman doonaan inay ku dilaan.

11. Aniguse waxaan ku idhi, Nin anigoo kale ahu miyuu cararaa? Bal waase kee, kan aniga ila mid ah oo macbudka u geli lahaa inuu naftiisa ku badbaadiyo? Geli maayo.

12. Markaasaan gartay inaan Ilaah isaga soo dirin, laakiinse hadal iga gees ah ayuu ugu hadlay sidii nebi oo kale, waayo, waxaa soo kiraystay Toobiyaah iyo Sanballad.

13. Oo taas aawadeed baa isaga loo soo kiraystay inaan cabsado oo saas yeelo oo aan dembaabo, iyo inay iyagu sabab u helaan war xun si ay iigu ceebeeyaan.

14. Haddaba Ilaahayow, sida shuqulladoodu yihiin u xusuuso Toobiyaah iyo Sanballad iyo weliba nebiyaddii Noocadyaah iyo nebiyadii kale oo damcay inay i cabsigeliyaan.

15. Oo sidaasaa derbigii laba iyo konton maalmood loogu dhammeeyey bishii Eluul maalinteedii shan iyo labaatanaad.

akhri dhamaystiran cutubka Nexemyaah 6