Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Nexemyaah 6:4-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Oo fartiin caynkaas ah ayay afar jeer ii soo direen; oo anna isla sidii baan ugu jawaabay.

5. Oo haddana isla sidaas oo kale Sanballad wuxuu markii shanaad ii soo diray midiidinkiisii oo gacanta ku sida warqad furan.

6. Oo waxaa ku qornaa, Waxaa quruumaha dhexdooda laga sheegay, Gashmuuna uu leeyahay, in adiga iyo Yuhuudduba aad ku talo jirtaan inaad fallaagowdaan, oo waa taas daraaddeed waxaad derbiga u dhisaysaa, oo sida waafaqsan erayadan la soo sheegay waxaad doonaysaa inaad boqor u ahaatid.

7. Oo weliba waxaad dooratay nebiyo si ay wax kugu saabsan dadka Yeruusaalem ugu wacdiyaan, iyagoo leh, Dalka Yahuudah waxaa jooga boqor. Haddaba erayadan waxaa loo sheegi doonaa boqorka. Haddaba sidaas daraaddeed kaalay, oo aan tashannee.

8. Markaasaan u cid diray oo ku idhi, Waxaad leedahay oo kale halkan innaba laguma samayn, laakiinse adigaa qalbigaaga ka soo hindisay.

9. Waayo, dhammaantood waxay doonayeen inay na cabsiiyaan, oo waxay isyidhaahdeen, Shuqulkay ka daali doonaan, mana dhammayn doonaan. Laakiinse, Ilaahow, xoog ii yeel.

10. Markaasaan tegey gurigii Shemacyaah ina Delaayaah oo ahaa ina Meheetabeel oo xidhnaa; oo wuxuu igu yidhi, Guriga Rabbiga oo ah macbudka dhexdiisa aan ku kulanno, oo aan xidhanno albaabbada macbudka, waayo, iyagu waxay u iman doonaan inay ku dilaan. Haah, oo habeennimada ayay u soo iman doonaan inay ku dilaan.

akhri dhamaystiran cutubka Nexemyaah 6