Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Miikaah 6:10-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Guriga sharowga weli miyey yaalliin khasnadihii sharnimadu iyo weliba qiyaastii dhimanayd oo karaahiyada ahayd?

11. Miyaan daahir ahaanayaa anoo haysta kafado xun iyo kolay miisaanno khiyaano miidhan ah?

12. Waayo, dadkeeda taajiriinta ahu waa dulmi miidhan, oo kuweeda degganuna been bay ku hadlaan, oo carrabka afkooduna waa khiyaano miidhan.

13. Haddaba sidaas daraaddeed dhaawac aad u xun baan idinku dhuftay, oo dembigiinna aawadiis cidla baan idinka dhigay.

14. Wax baad cuni doontaan mase dhergi doontaan. Gaajadiinnu dhexdiinnay ku jiri doontaa. Wax baad kaydin doontaan, laakiinse sinaba uma aad nabad gelin doontaan, oo wixii aad nabadgelisaanna seef baan u gacangelinayaa.

15. Wax baad beeran doontaan mase goosan doontaan, oo saytuunka waad tuman doontaan laakiinse saliiddiisa kuma subkan doontaan, oo canabkana waad tuman doontaan laakiinse khamrigiisa ma cabbi doontaan.

16. Waayo, qaynuunnadii Boqor Coomrii iyo shuqulladii reer Boqor Axaab oo dhanba waad dhawrteen, oo waxaad ku socotaan talooyinkoodii, si aan cidla laga yaabo idiinka dhigo, oo dadka magaaladiinna degganna waxaan ka dhigi doonaa wax lagu foodhyo, oo idinku waxaad qaadan doontaan cayda dadkayga.

akhri dhamaystiran cutubka Miikaah 6