Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Miikaah 5:1-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ciidammadoy, hadda waa inaad isa soo urursataan. Isagu waa inoo hareereeyey. Xaakinka dalka Israa'iil ul bay dhabanka kaga dhufan doonaan.

2. Laakiinse adigu Beytlaxam Efraataahay in kastoo aad ku yar tahay kumanyaalka reer Yahuudah, waxaa adiga iiga kaa soo bixi doona mid dalka Israa'iil taliye ka noqon doona, kaasoo bixitinkiisu ahaa waa hore, iyo tan iyo weligiis.

3. Haddaba sidaas daraaddeed iyaguu gacangelin doonaa jeeray tan foolanaysa umusho, dabadeedna kuwa walaalihiis ka hadhay waxay ku noqon doonaan dadka Israa'iil.

4. Oo isagu wuu istaagi doonaa, oo wuxuu adhigiisa ku daajin doonaa xoogga Rabbiga iyo haybadda magaca Rabbiga Ilaahiisa ah, oo iyana ammaan bay ku joogi doonaan, waayo, isagu haatan mid weyn buu ku ahaan doonaa tan iyo dhulka darfihiisa.

5. Oo kanu wuxuu noqon doonaa nabaddeenna. Markii kan reer Ashuur uu dalkeenna soo galo, oo uu ku dhex socdo daaraheenna waaweyn, markaasaynu isaga ku kicin doonnaa toddoba adhijir iyo siddeed nin oo madax ah.

6. Oo dalka Ashuur seef baa lagu dumin doonaa, oo dalka reer Nimrod waa laga dumin doonaa irdaha laga galo, oo isagu wuxuu inaga samatabbixin doonaa kan reer Ashuur markuu dalkeenna soo galo iyo markuu soohdinteenna dhex maro.

7. Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay dadyow badan ku dhex ahaan doonaan sidii sayax xagga Rabbiga ka yimid, iyo sidii shuxshux caws ku kor da'ay, kaasoo aan ninna dhawrin, oo aan binu-aadmiga sugin.

8. Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay quruumaha dhexdooda iyo dadyow badan dhexbadhtankooda joogi doonaan sidii libaax ku dhex jira xayawaanka kaynta, iyo sidii aaran libaax oo ku dhex jira ido foof ah, kaasoo markuu dhex maraaba ku tunta oo kala jeexjeexda, oo weliba aan la arag mid ka samatabbixiya.

9. Gacantiinnu ha ka sarrayso cadaawayaashiinna, oo colkiinna oo dhanna ha wada baabbo'o.

10. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas fardihiinna waan idinka dhex baabbi'in doonaa, oo gaadhifardoodkiinnana waan wada jejebin doonaa.

11. Oo magaalooyinka dalkiinna waan baabbi'in doonaa, oo qalcadihiinnana waan wada dumin doonaa.

12. Oo gacantiinnana sixir waan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma lahaan doontaan faaliyayaal.

akhri dhamaystiran cutubka Miikaah 5