cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Miikaah 4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

Buurtii Rabbiga

1. Laakiinse ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo dadyowguna iyaday u sii qulquli doonaan.

2. Oo quruumo badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, oo aynu u kacno buurta Rabbiga, oo aynu tagno guriga Ilaaha reer Yacquub, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.

3. Oo isaguna dadyow badan buu u kala garsoori doonaa, oo quruumaha xoogga badan oo meel fog joogana wuu canaanan doonaa, oo iyana waxay seefahooda ka tuman doonaan marashiyo, warmahoodana manjooyin, oo quruunina quruun kale seef uma qaadan doonto, oo innaba mar dambe dagaal ma ay baran doonaan.

4. Laakiinse ninkood waluba wuxuu hoos fadhiisan doonaa geedkiisa canabka ah, iyo geedkiisa berdaha ah, oo ninna ma cabsiin doono iyaga, waayo, afkii Rabbiga ciidammada ayaa saas ku hadlay.

5. Waayo, dadyowga oo dhan mid kastaaba wuxuu ku socon doonaa magaca ilaahiisa, oo annaguna waxaannu ku socon doonnaa magaca Rabbiga Ilaahayaga ah weligayo iyo weligayoba.

Qorshihii Rabbiga

6. Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas waxaan soo shirin doonaa kuwa dhutiya, oo waxaan soo ururin doonaa kuwa la eryay iyo kuwa aan dhibay.

7. Oo kuwii dhutin jiray waxaan ka dhigi doonaa kuwa hadhay, oo kuwa meesha fog lagu tuurayna waxaan ka dhigi doonaa quruun xoog badan, oo Rabbigu iyaguu ugu talin doonaa Buur Siyoon hadda dabadeed iyo tan iyo weligeedba.

8. Oo kaaga munaaradda adhiga ahow, oo buurta dadka Siyoon ahow, adigay kuu iman doontaa, xukumaadda hore way kuu iman doontaa, taasoo weliba ah boqortooyada dadka Yeruusaalem.

9. Haddaba bal maxaad u musannaabaysaa? Sow boqor kuma dhex joogo? Mase taliyahaagii baa halligmay? Oo ma sidaas daraaddeed baa xanuun ku qabtay sidii naag foolanaysa?

10. Magaalada Siyoonay, xanuunso, oo foolo aad dhashide sida naag foolanaysa, waayo, hadda ayaad magaalada ka bixi doontaa, oo waxaad degganaan doontaa duurka, oo xataa waxaad tegi doontaa Baabuloon, oo halkaas ayaa lagaa soo samatabbixin doonaa, oo halkaas ayaa Rabbigu kaaga soo furan doona gacanta cadaawayaashaada.

11. Oo hadda waxaa kaa shiray quruumo badan, oo waxay yidhaahdaan, Ha nijaasowdo, oo indhahayagu Siyoon ha fiiriyeen.

12. Laakiinse iyagu ma ay yaqaaniin Rabbiga fikirradiisa, mana ay gartaan taladiisa, waayo, isagu wuxuu iyaga u ururshay sidii xidhmooyin loo wada meesha hadhuudhka lagu tumo.

13. Magaalada Siyoonay, sara joogso, oo wax tun, waayo, geeskaaga waxaan ka dhigi doonaa bir, oo qoobabkaagana waxaan ka dhigi doonaa naxaas, oo adna dadyow badan baad burburin doontaa oo faa'iidadooda waxaad gooni u sooci doontaa Rabbiga, oo maalkoodana waxaad gooni u sooci doontaa Sayidka adduunka oo dhan.