Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 6:25-35 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

25. Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin, Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban.

26. Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.

27. Miyuu nin laabta dab ku qaadi karaa, Iyadoo aan dharkiisu guban?

28. Miyuu mid dhuxul kulul ku kor socon karaa, Iyadoo aan cagihiisu guban?

29. Haddaba sidaas oo kaluu noqdaa kii naagta deriskiisa u tagaa, Oo ku alla kii iyada taabtaaba ma taqsiir la'aan doono.

30. Dadku tuug ma quudhsadaan hadduu wax xado Inuu naftiisa dhergiyo markuu gaajoodo,

31. Laakiinse haddii isaga la qabto waa inuu toddoba jibbaar u magdhabaa, Waa inuu ku bixiyaa waxa gurigiisa yaal oo dhan.

32. Kii naag ka sinaystaa wuu caqli daranyahay, Oo kii sidaas yeelaa naftiisuu halligaa.

33. Oo wuxuu heli doonaa dhaawacyo iyo sharafdarro; Oo ceebtiisana lama tirtiri doono innaba.

34. Waayo, hinaaso waa nin cadhadiis. Maalinta aarsashadana isagu ma tudhi doono.

35. Isagu innaba mag kaa qaadan maayo, oo sinaba kuula heshiin maayo, In kastoo aad hadiyado badan siisid.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 6