Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 5:7-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga ha ka tegina.

8. Jidkaaga ka fogee iyada, Oo albaabka gurigeeda ha u dhowaan,

9. Si aanad sharaftaada kuwa kale u siin, Oo aanad sannadahaaga kuwa caloosha adag u siin,

10. Si aan shisheeyayaal maalkaaga uga dhergin; Oo aanay wixii aad u hawshootay guri ajnabi u gelin,

11. Si aanad ugu dambaysta u barooran, Markay hilibkaaga iyo jidhkaaguba baabba'aan,

12. Oo aad tidhaahdaan, Sidee baan edbin u nebcaaday, Oo qalbigayguna canaantii u quudhsaday!

13. Codkii macallimiintaydii ma aan addeecin, Oo dhegtana uma aan dhigin kuwii wax i baray!

14. Anigu waxaan u dhowaa inaan shar kasta falo Anigoo ku dhex jira shirka iyo ururka.

15. Berkeddaada biyo ka cab, Oo ceelkaagana biyo qulqulaya ka cab.

16. Ma hagaag baa in ilahaagu dibadda u daataan. Oo ay durdurraduna dariiqyada maraan?

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 5