Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 5:1-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso, Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig;

2. Si aad digtoonaan u dhawrtid, Oo ay bushimahaaguna aqoon u xejiyaan.

3. Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab, Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay,

4. Laakiinse aakhirkeedu wuxuu u qadhaadh yahay sida geed dacareed oo kale, Wuuna af badan yahay sida seef laba af leh.

5. Cagaheedu dhimashay ku dhaadhacaan, Oo tallaabooyinkeeduna waxay u jeedaan xagga She'ool,

6. Waddada nolosha iyadu aad uguma fiirsato. Jidadkeedu waa leexleexdaan, oo garan kari maysid,

7. Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga ha ka tegina.

8. Jidkaaga ka fogee iyada, Oo albaabka gurigeeda ha u dhowaan,

9. Si aanad sharaftaada kuwa kale u siin, Oo aanad sannadahaaga kuwa caloosha adag u siin,

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 5