Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 4:15-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Ka leexo, hana marin, Ka noqo oo hareer ka mar.

16. Waayo, iyagu ma seexdaan haddaanay xumaan falin, Oo hurdadoodana waa laga qaadaa iyagoo cid kufiya mooyaane.

17. Waayo, iyagu waxay cunaan kibistii sharnimada, Oo waxay cabbaan khamrigii dulmiga.

18. Laakiinse waddada kuwa xaqa ahu waa sida iftiinka waaberiga oo kale, Kaas oo hadba soo kordha ilaa uu noqdo maalin cad.

19. Jidka kuwa sharka lahuna waa sida gudcurka oo kale. Oo iyagu garan maayaan waxay ku turunturoodaan.

20. Wiilkaygiiyow, erayadayda dhegayso, Oo hadalladaydana dhegta u dhig.

21. Indhahaaga hortooda yaanay ka fogaan, Oo qalbigaaga dhexdiisa ku hayso,

22. Waayo, iyagu waa u nolol kuwa hela, Oo jidhkooda oo dhanna waa u caafimaad.

23. Digtoonaan qalbigaaga u dhawr, Waayo, isagay noloshu ka soo baxdaaye.

24. Af qalloocan iska saar, Oo bushimo maroorsanna iska fogee.

25. Indhahaagu qummaati wax ha u fiiriyeen, Oo indhahaaga daboolkooduna si toosan hortaada ha u eegeen.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 4