Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 31:9-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Afka fur, oo si xaq ah u garsoor, Oo miskiinka iyo saboolka baahanba gartooda u qaad.

10. Bal yaa heli kara naag wanaagsan? Waayo, qiimaheedu waa ka sii badan yahay xataa luul.

11. Waayo, qalbiga ninkeedu iyaduu isku halleeyaa, Oo isagu innaba uma baahnaan doono wax booli ah.

12. Cimrigeeda oo dhan isaga wanaag bay u samayn doontaa, Oo innaba xumaan kuma samayn doonto.

13. Waxay doondoontaa dhogor idaad iyo geed linen la yidhaahdo. Oo iyadoo raalli ku ah ayay gacmaheeda ku shaqaysaa.

14. Iyadu waa sida doonniyaha baayacmushtariga, Oo cuntadeeda waxay ka keentaa meel fog.

15. Waxay kacdaa iyadoo weli ay habeennimo tahay, Oo dadka reerkeeda ayay cunto siisaa, Oo gabdhaheedana hawshooday siisaa,

16. Iyadu waxay ka fikirtaa beer, wayna soo iibsataa, Oo midhaha gacmaheeda ayay beercanab ku beerataa.

17. Waxay dhexda ku xidhataa xoog, Oo gacmaheedana way xoogaysaa.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 31