Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 30:18-33 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Waxaa jira saddex waxyaalood oo anigu aan aad ula yaabo, Haah, afar baan garan waayay,

19. Oo iyana waxaa weeye siduu gorgor hawada u duulo, Siduu masna dhagax ugu socdo, Siday doonnina badda u maaxdo, Iyo siduu nin gabadh ula macaamiloodo.

20. Sidaas oo kale waxaa ah naag dhillo ah sideeda, Taasoo intay wax cunto afka tirtirta, Oo haddana tidhaahda, Anigu waxba xumaan ma aan samayn.

21. Saddex waxyaalood ayaa dhulku la gariiraa, Oo afar baanu qaadan karin,

22. Waxaana weeye addoon markuu boqor noqdo, Iyo nacas markuu cunto ka dhergo,

23. Iyo naag la nacay markay guursato, Iyo gabadh addoon ahu markay sayidaddeedii meesheeda gasho.

24. Waxaa jira afar waxyaalood oo dhulka ku yaryar, Laakiinse aad iyo aad u caqli badan.

25. Qudhaanjadu waa sida dad aan xoog badnayn, Laakiinse waxay cuntadooda soo diyaarsadaan guga.

26. Walooyinku waa qoon taagdaran, Oo haddana waxay guryahooda ka samaystaan dhagaxyada dhexdooda;

27. Ayaxu boqor ma leh, Weliba dhammaantood guuto guuto ayay u socdaan.

28. Qorratadu waa wax gacanta lagu qaban karo, Weliba waxay joogtaa guryaha boqorrada.

29. Waxaa jira saddex waxyaalood oo si fiican u socda, Haah, oo afar waa socod wanaagsan yihiin.

30. Aar libaax oo ah kan xayawaanka ugu xoogga badan, Oo aan weliba midna dib uga noqon,

31. Diiqa xarragoonaya, iyo orgiga; Iyo boqorka aanay dadku gees ka ahayn.

32. Haddaad nacasnimo samaysay adoo isa sarraysiinaya, Ama aad wax shar ah ka fikirtay, Gacanta afka saar.

33. Waayo, caanihii la lulaa subag bay soo saaraan, Sankii la maroojiyaana dhiig buu keenaa, Sidaas oo kalena cadhadii la qasbaa dirir bay keentaa.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 30