Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 30:1-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Kuwanu waa erayadii Aaguur ina Yaaqeh, oo ahaa reer Masaa. Ninku wuxuu la hadlay Iitii'eel, iyo xataa Iitii'eel iyo Ukaal, oo ku yidhi,

2. Hubaal anigu waan ka doqonnimo weynahay nin kastaba, Oo dad waxgarashadiisana ma lihi.

3. Xigmad ma aan baran, Aqoonta Kan quduuska ahna ma aqaan.

4. Yaa samada u baxay, oo ka soo degay? Yaa dabaysha gacmihiisa ku soo ururshay? Yaa biyaha dharkiisa ku guntay? Yaa dhulka darafyadiisa oo dhan dhisay? Magicii, wiilkiisana magicii, haddaad taqaan?

5. Eray kasta oo Ilaah waa daahir; Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga aaminsan.

6. Erayadiisa waxba ha ku darin, Waaba intaas oo uu ku canaantaa, oo lagu ogaadaa inaad beenaaleh tahay.

7. Laba waxyaalood ayaan ku weyddiistay, Iyaga ha ii diidin intaanan dhiman.

8. Wax aan waxtar lahayn iyo been iga fogee, Oo caydhnimo iyo taajirnimo midna ha i siin. Igu quudi cunto aanan ka maarmin,

9. Waaba intaasoo intaan dhergo, aan adiga ku inkiraaye, oo aan idhaahdaa, Waa ayo Rabbigu? Amase waaba intaasoo aan miskiin noqdaa, oo intaan wax xado, Aan magaca Ilaahayga si been ah ugu hadal qaadaaye.

10. Addoon sayidkiisa xan ha uga sheegin, Waaba intaas oo uu ku habaaraa, oo eed lagugu helaaye.

11. Waxaa jira farcan aabbahood inkaara, Oo aan hooyadoodna u ducayn.

12. Waxaa jira farcan isla daahirsan, Oo weliba aan nijaastoodii ka maydhmin.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 30