Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 28:12-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Kuwa xaqa ahu markay guulaystaan, waxaa jirta ammaan weyn, Laakiinse markii kuwa sharka lahu sara kacaan dadku waa dhuuntaa.

13. Kii xadgudubyadiisa qariyaa ma liibaani doono, Laakiinse kii qirta oo haddana ka tagaa, naxariis buu heli doonaa.

14. Ninkii mar kasta cabsadaa waa barakaysan yahay, Laakiinse kii qalbigiisa sii adkeeyaa masiibuu ku dhici doonaa.

15. Taliyihii shar lahu wuxuu dadka masaakiintaa ku yahay Sida libaax ciyaya iyo sida orso weerar ah oo kale.

16. Amiirkii garaaddaranu waa nin dulun weyn, Laakiinse kii neceb faa'iidada xaqdarrada ah cimrigiisuu dheerayn doonaa.

17. Ninkii nin dhiiggiis qabaa Wuxuu u carari doonaa godka, oo ninna yaanu ka joojin.

18. Ku alla kii si qumman u socda waa la samatabbixin doonaa, Laakiinse kii si qalloocan laba jid ugu socdaa haddiiba wuu dhici doonaa.

19. Kii dhulkiisa beertaa, cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa wuxuu ka dhergi doonaa caydhnimo.

20. Ninkii aamin ahu aad buu u barakoobi doonaa, Laakiinse kii taajirnimo ku degdegaa ma taqsiir la'aan doono.

21. Ma wanaagsana in dadka loo kala eexdo, Iyo inuu nin xabbad kibis ah u xadgudbo toona.

22. Kii taajirnimo ku degdegaa waa qumay, Mana oga inuu caydhoobi doono.

23. Kii nin canaantaa wuxuu marka dambe heli doonaa Raallinimo ka badan kan carrabka ku faaniya.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 28