Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 27:4-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad, Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?

5. Canaantii bayaan ahu Waa ka wanaagsan tahay jacaylkii qarsoon.

6. Saaxiib nabrihiisu waa daacadnimo, Laakiinse cadow dhunkashooyinkiisu waa khiyaano miidhan.

7. Naftii dheregsanu xataa awlallada malabka waa ka yaqyaqsataa, Laakiinse naftii gaajaysan wax kasta oo qadhaadhuba way u macaan yihiin.

8. Ninkii hoygiisa ka warwareegaa Waa sida shimbir buulkeeda ka warwareegta oo kale.

9. Saliidda iyo cadarku qalbigay ka farxiyaan, Sidaas oo kalena waxaa nin ka farxiya macaanka saaxiibkiis oo ka yimaada talada qalbiga.

10. Ha ka tegin saaxiibkaa iyo aabbahaa saaxiibkiis toona, Oo maalintii masiibadaadana guriga walaalkaa ha tegin, Deris kuu dhowu waa ka wanaagsan yahay walaal kaa fog.

11. Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi, Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.

12. Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, oo waana la taqsiiraa.

13. Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo kii naag qalaad dammiintana isaga rahmad ahaan u hay.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 27