Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 27:15-26 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in Iyo naag muran badanu waa isku mid.

16. Ku alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa. Gacantiisa midigna saliid bay qabataa.

17. Bir baa bir afaysa, Oo sidaas oo kale nin baa saaxiibkiis afeeya.

18. Ku alla kii berde xannaanaystaa midhihiisuu cuni doonaa. Oo kii sayidkiisa dhawrana waa la murwayn doonaa.

19. Sida fool biyaha dhexdooda fool uga muuqdo, Ayaa nin qalbigiisu nin kale ugu muuqdaa.

20. She'ool iyo halligaadu weligood ma dhergaan, Dadka indhihiisu weligood ma dhergaan.

21. Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, Sidaas oo kalena nin waxaa lagu tijaabiyaa ammaantiisa.

22. In kastoo aad nacas tib iyo mooye hadhuudh kula tuntid, Weliba nacasnimadiisu ka tegi mayso isaga.

23. Aad ugu dadaal inaad ogaatid xaalka adhigaaga, Oo lo'daadana si wanaagsan u ilaali.

24. Waayo, maalku weligiis siima raago, Taajkuna ab ka ab miyuu waaraa?

25. Cawska qallalan markii la gooyo mid cagaar ah oo jilicsan baa soo muuqda, Oo dhalatada buurahana waa la soo urursadaa.

26. Baraarku waa kuu dhar, Oo adhiguna waa kuu qiimihii beerta.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 27