Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 27:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Berrito ha ku faanin, Waayo, ma ogid waxay maalinu keeni doonto.

2. Mid kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin, Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin.

3. Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay, Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.

4. Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad, Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 27