Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 26:4-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Nacas ha ugu jawaabin sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo aad sidiisa oo kale noqotaaye.

5. Nacas ugu jawaab sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo uu isla caqli weynaadaaye.

6. Kii nacas gacantiis farriin u sii dhiibaa Cagahuu iska gooyaa oo khasaaruu cabbaa.

7. Sida lugaha curyaanku u laalaadaan Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.

8. Kii nacas sharaf siiyaa Wuxuu la mid yahay mid wadhaf dhagax ku xidha oo kale.

9. Sida qodaxdu u dhex gasho sakhraan gacantiis, Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.

10. Kii nacaska ama kuwa jidka maraya kiraystaa Waa sida qaansoole dadka oo dhan dhaawaca oo kale.

11. Nacas nacasnimadiisa ku noqnoqdaa Waa sida eey mantaggiisa ku noqnoqda oo kale.

12. Nin isla caqli weyn ma aragtay? Waxaa isaga ka rajo roon nacas.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 26