cutubyada

  1. 1
  2. 2
  3. 3
  4. 4
  5. 5
  6. 6
  7. 7
  8. 8
  9. 9
  10. 10
  11. 11
  12. 12
  13. 13
  14. 14
  15. 15
  16. 16
  17. 17
  18. 18
  19. 19
  20. 20
  21. 21
  22. 22
  23. 23
  24. 24
  25. 25
  26. 26
  27. 27
  28. 28
  29. 29
  30. 30
  31. 31

Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 26 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Sida wakhtiga kulul aan baraf cad ugu habboonayn, oo wakhtiga beergooyska aan roob ugu habboonayn, Ayaan sharaf nacas ugu habboonayn.

2. Sida shimbir iska wareegaysa iyo sida dabafallaadh iska duulaysa, Ayaan habaarkii sababla'aan ahu cidna ugu dhacayn.

3. Jeedal faras buu ku habboon yahay, dacayna dameer, Ulina dhabarka nacaska.

4. Nacas ha ugu jawaabin sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo aad sidiisa oo kale noqotaaye.

5. Nacas ugu jawaab sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo uu isla caqli weynaadaaye.

6. Kii nacas gacantiis farriin u sii dhiibaa Cagahuu iska gooyaa oo khasaaruu cabbaa.

7. Sida lugaha curyaanku u laalaadaan Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.

8. Kii nacas sharaf siiyaa Wuxuu la mid yahay mid wadhaf dhagax ku xidha oo kale.

9. Sida qodaxdu u dhex gasho sakhraan gacantiis, Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.

10. Kii nacaska ama kuwa jidka maraya kiraystaa Waa sida qaansoole dadka oo dhan dhaawaca oo kale.

11. Nacas nacasnimadiisa ku noqnoqdaa Waa sida eey mantaggiisa ku noqnoqda oo kale.

12. Nin isla caqli weyn ma aragtay? Waxaa isaga ka rajo roon nacas.

13. Ninkii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa waddada jooga; Libaax baa jidka taagan.

14. Sida albaabku birihiisa ugu noqnoqdo, Ayaa kii caajis ahuna sariirtiisa isugu rogrogaa.

15. Kii caajis ahu wuxuu gacantiisa geliyaa xeedhadiisa, Oo inuu afkiisa ku soo celiyona waa ku dhib isaga.

16. Kii caajis ahu waa iskala caqli badan yahay Toddoba nin oo xigmad ku jawaabi karta.

17. Kii isagoo jidka iska maraya isku dhex dara dirir aanu waxba ku lahayn, Wuxuu la mid yahay mid eey dhegaha qabta oo kale.

18. Sida nin waalan oo rida dab, Iyo fallaadho, iyo dhimasho,

19. Ayuu yahay kii intuu deriskiisa khiyaaneeyo, Haddana yidhaahda, Miyaanan cayaarayn?

20. Xaabola'aanta dabku waa bakhtiyaa, Oo meeshii aan mid xan badanu jooginna muranku waa ka joogsadaa.

21. Sida dhuxuli raran u sii shiddo, qoryona dab u sii belbeliyaan, Ayuu ninkii muran badanuna dirir u sii kiciyaa.

22. Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.

23. Bushimihii macaan iyo qalbigii shar lehba Waxay la mid yihiin weel dhoobo ah oo lagu dahaadhay lacag wasakhdeed.

24. Kii wax necebu bushimihiisuu isku yeelyeelaa, Laakiinse uurkiisuu khiyaano ku kaydsadaa.

25. Markuu si wacan u hadlo ha rumaysan, Waayo, waxaa qalbigiisa ku jira toddoba karaahiyo.

26. In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo, Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.

27. Ku alla kii bohol qodaaba isagaa ku dhex dhici doona, Oo kii dhagax giringiriyana, isaguu ku soo rogman doonaa.