Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 25:12-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Kii caqli leh oo wax canaantaa wuxuu dhegta wax maqasha oo addeecda ula mid yahay Hilqado dahab ah iyo wax laysku sharraxo oo dahab saafiya ah.

13. Wargeeyihii aamin ahu wuxuu kuwii isaga soo diray ula mid yahay Qabowga barafka cad oo wakhtiga beergooyska, Waayo, isagu wuxuu qabowjiyaa nafta sayidyadiisa.

14. Ku alla kii hadiyad been ah isku faaniyaa Wuxuu la mid yahay daruuro iyo dabayl aan roob lahayn.

15. Waxaa xaakin wax lagu oggolaysiiyaa dulqaadasho badan, Carrab macaanuna laftuu jebiyaa.

16. Malab ma heshay? In kugu filan oo keliya ka cun, Waaba intaas oo intaad ka dheregto aad soo hunqaacdaaye.

17. Cagtaadu ha ku yaraato guriga deriskaaga, Waaba intaasoo uu kaa daalaa oo uu ku necbaadaaye.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 25