Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 23:3-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Cuntadiisa macaan ha damcin, Waayo, waa cunto khiyaaneed.

4. Ha isku daalin si aad taajir ku noqotid. Oo xigmaddaadana ka joogso.

5. Ma waxaad indhaha ku dayaysaa wax aan jirin? Waayo, hubaal maalku wuxuu yeeshaa baalal, Sida gorgor samada u duula oo kale.

6. Kan isha sharka leh kibistiisa ha cunin, Cuntadiisa macaanna ha damcin,

7. Waayo, isagu waxaa weeye siduu qalbiga kaga fikiro; Wuxuu kugu leeyahay, Cun oo cab, Laakiinse qalbigiisu kulama jiro.

8. Wixii aad cuntay waad soo mantagi doontaa, Oo erayadaadii macaanaana way kaa lumi doonaan.

9. Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.

10. Soohdintii hore ha durkin, Beeraha agoommadana ha dhex gelin,

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 23