Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 23:22-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

22. Dhegayso aabbahaagii ku dhalay, Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo.

23. Runta soo iibso, oo ha sii iibin, Oo weliba waxaad ku sii darsataa xigmadda iyo edbinta iyo waxgarashada.

24. Kii xaq ah aabbihiis aad buu u farxi doonaa, Oo kii ilmo caqli leh dhalaana farxad buu ka heli doonaa.

25. Aabbahaa iyo hooyadaaba ha farxeen, Oo tii ku dhashayna ha rayrayso.

26. Wiilkaygiiyow, qalbigaaga i sii, Oo indhahaaguna jidadkayga ha dhawreen.

27. Waayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah.

28. Sida tuug oo kale ayay u gabbataa, Oo waxay dadka ku dhex badisaa khaayinnada.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 23