Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 23:15-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Wiilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay, Qalbigayguna wuu farxi doonaa.

16. Haah, oo xataa uurkaygu wuu rayrayn doonaa, Markay bushimahaagu wax qumman ku hadlaan.

17. Qalbigaagu yaanu dembilayaal ka hinaasin, Laakiinse maalinta oo dhan Rabbiga ka cabso.

18. Waayo, hubaal waxaa jira abaalgud, Oo rajadaaduna kaama go'i doonto.

19. Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.

20. Ha dhex joogin khamriyacabyada Iyo kuwa hunguriweynaanta hilibka u cuna,

21. Waayo, kii sakhraan ah iyo kii hunguri weynuba way caydhoobi doonaan, Oo lulona nin calal bay u xidhi doontaa.

22. Dhegayso aabbahaagii ku dhalay, Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 23