Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 23:12-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.

13. Ilmaha edbin ha u diidin, Waayo, haddaad isaga ul ku garaacdid, ma dhiman doono.

14. Ul baad isaga ku garaaci doontaa, Oo naftiisaad She'ool ka samatabbixin doontaa.

15. Wiilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay, Qalbigayguna wuu farxi doonaa.

16. Haah, oo xataa uurkaygu wuu rayrayn doonaa, Markay bushimahaagu wax qumman ku hadlaan.

17. Qalbigaagu yaanu dembilayaal ka hinaasin, Laakiinse maalinta oo dhan Rabbiga ka cabso.

18. Waayo, hubaal waxaa jira abaalgud, Oo rajadaaduna kaama go'i doonto.

19. Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.

20. Ha dhex joogin khamriyacabyada Iyo kuwa hunguriweynaanta hilibka u cuna,

21. Waayo, kii sakhraan ah iyo kii hunguri weynuba way caydhoobi doonaan, Oo lulona nin calal bay u xidhi doontaa.

22. Dhegayso aabbahaagii ku dhalay, Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo.

23. Runta soo iibso, oo ha sii iibin, Oo weliba waxaad ku sii darsataa xigmadda iyo edbinta iyo waxgarashada.

24. Kii xaq ah aabbihiis aad buu u farxi doonaa, Oo kii ilmo caqli leh dhalaana farxad buu ka heli doonaa.

25. Aabbahaa iyo hooyadaaba ha farxeen, Oo tii ku dhashayna ha rayrayso.

26. Wiilkaygiiyow, qalbigaaga i sii, Oo indhahaaguna jidadkayga ha dhawreen.

27. Waayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 23