Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 23:11-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Waayo, bixiyahoodu waa xoog badan yahay; Oo isaga ayaa dacwadooda kugu qaadi doona.

12. Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.

13. Ilmaha edbin ha u diidin, Waayo, haddaad isaga ul ku garaacdid, ma dhiman doono.

14. Ul baad isaga ku garaaci doontaa, Oo naftiisaad She'ool ka samatabbixin doontaa.

15. Wiilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay, Qalbigayguna wuu farxi doonaa.

16. Haah, oo xataa uurkaygu wuu rayrayn doonaa, Markay bushimahaagu wax qumman ku hadlaan.

17. Qalbigaagu yaanu dembilayaal ka hinaasin, Laakiinse maalinta oo dhan Rabbiga ka cabso.

18. Waayo, hubaal waxaa jira abaalgud, Oo rajadaaduna kaama go'i doonto.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 23