Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 22:15-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Nacasnimadu waxay ku xidhan tahay qalbiga ilmaha. Laakiinse usha edbintu way ka fogayn doontaa.

16. Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

17. Dhegta u dhig, oo erayada kuwa caqliga leh maqal, Oo qalbigana aqoontayda u jeedi.

18. Waayo, waa wax wanaagsan haddii aad uurka ku haysatid, Oo hadday dhammaantood bushimahaaga diyaar ku ahaadaan.

19. Bal eeg, adigaan maanta iyaga ku ogeysiiyey, Inaad Rabbiga aaminsan tahay.

20. Miyaanan waxyaalo wanaagsan kuugu qorin Talooyinka iyo aqoonta,

21. Si aan kuu ogeysiiyo hubaasha erayada runta, Inaad erayada runta uga jawaabtid kuwii ku soo diray?

22. Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin, Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin,

23. Waayo, Rabbiga ayaa dacwadooda u qaadi doona, Oo kuwa iyaga dhaca naftoodana wuu dhici doonaa.

24. Ha la saaxiibin nin xanaaq badan, Oo nin cadho kululna waa inaanad la socon,

25. Waaba intaas oo aad jidkiisa baratid, Oo aad naftaadana dabin ku riddid.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 22