Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 21:11-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Markii mid wax quudhsada la taqsiiro, garaadlaawahu wuu caqliyaystaa, Oo kii caqli leh marka la edbiyona aqoon buu helaa.

12. Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.

13. Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin, Isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.

14. Hadiyaddii qarsoodi lagu bixiyaa xanaaqay qabowjisaa, Oo laaluushkii laabta laysu geliyaana cadho kulul buu qabowjiyaa.

15. Kii xaq ahu inuu gar sameeyo waa u farxad, Laakiinse kuwa xumaanta ka shaqeeya waa u baabba'.

16. Ninkii jidka waxgarashada ka habaabaa Wuxuu la joogi doonaa ururka kuwii dhintay.

17. Kii raaxaysi jecelu miskiin buu ahaan doonaa, Oo kii khamri iyo saliid jeceluna taajir ma noqon doono.

18. Kii shar lahu wuxuu furasho u noqon doonaa kii xaq ah, Khaayinkuna wuxuu furasho u noqon doonaa kii qumman.

19. In lamadegaanka la joogo ayaa ka roon In naag muran iyo cadho badan lala joogo.

20. Khasnad qaali ah iyo saliid baa ku jira kan caqliga leh gurigiisa, Laakiinse nacasku wixiisa wuu wada liqaa.

21. Kii xaqnimo iyo naxariis raacaa Wuxuu helaa nolol iyo xaqnimo iyo sharaf.

22. Kii caqli lahu kor buu ugu baxaa magaalada kuwa xoogga badan derbigeeda, Oo weliba xoogga ay isku hallaynayaan oo dhan ayuu hoos u ridaa.

23. Ku alla kii afkiisa iyo carrabkiisa dhawraa Naftiisuu dhibaatooyin ka dhawraa.

24. Ninkii kibirsan ee qab weyn waxaa magiciisa la yidhaahdaa quudhsade, Oo wuxuu ku shaqeeyaa cadhada kibirka.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 21