Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 20:13-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Hurdo ha jeclaan, waaba intaas oo aad caydhowdaaye. Indhaha kala qaad, oo cuntaad ka dhergi doontaa.

14. Kan wax iibsadaa wuxuu yidhaahdaa, Waa xun yahay, waa xun yahay, Laakiinse markuu tago ayuu faanaa.

15. Waxaa jira dahab iyo luul badan, Laakiinse bushimihii aqoon lahu waa jawharad qaali ah.

16. Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo markuu shisheeyayaal dammiinto, isaga rahmad ahaan u hay.

17. Cuntadii khiyaano lagu helaa dadka way u macaan tahay, Laakiinse dabadeed afkiisa waxaa ka buuxsami doona quruurux.

18. Qasdi kasta waxaa lagu taagaa talo, Oo waano wanaagsan ku dagaallan.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 20