Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 18:2-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Nacasku waxgarashada kuma farxo, Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.

3. Markii kii shar lahu yimaado waxaa kaloo timaada quudhsasho, Sharafla'aantana waxaa la timaada ceeb.

4. Nin afkiis erayada ku jiraa waa sida biyo gun dheer, Oo isha xigmadduna waa sida durdur socda.

5. Ma wanaagsana in kan sharka leh loo eexdo, Ama in kan xaqa ah garta lagu afgembiyo.

6. Nacaska bushimihiisu waxay keenaan muran, Oo afkiisuna wuxuu u yeedhaa karbaash.

7. Nacaska afkiisu waa u baabba', Oo bushimihiisuna naftiisay dabin u noqdaan.

8. Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.

9. Kii shuqulkiisa caajis ku ahu, Wuxuu walaal u yahay kii wax kharriba.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 18