Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 17:19-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Kii xadgudub jecelu muran buu jecel yahay, Oo kii iriddiisa sarraysiiyaana wuxuu doondoontaa baabba'.

20. Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.

21. Kii nacas dhalaa murugtiisuu u dhalaa, Oo nacas aabbihiisna farxad ma leh.

22. Qalbigii faraxsanu waa dawo wanaagsan, Laakiinse qalbigii jabanu lafahuu engejiyaa.

23. Ninkii shar lahu laabtuu laaluush ka qaataa, Si uu jidadka garta u qalloociyo.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 17