Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 16:27-32 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

27. Ninkii waxmatare ahu xumaan buu qodqodaa, Oo bushimihiisana waxaa ku jira dab wax gubaya.

28. Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.

29. Ninka wax dulmaa deriskiisuu sasabtaa, Oo wuxuu u kaxeeyaa jid aan wanaagsanayn.

30. Kii indhaha isugu qabta inuu wax qalloocan hindiso, Oo bushimihiisa qaniinaa, shar buu soo wadaa.

31. Madaxa cirro lahu waa taaj sharfeed Haddii laga helo jidka xaqnimada.

32. Kii cadhada u gaabiyaa waa ka wanaagsan yahay kii xoog badan, Oo kii ruuxiisa xukumaana waa ka wanaagsan yahay kii magaalo qabsada.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 16