Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 15:25-32 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

25. Rabbigu wuu dumin doonaa guriga kuwa kibirka leh, Laakiinse dhulka carmalka xadkiisa wuu adkayn doonaa.

26. Rabbigu fikirrada sharka ah aad buu u karhaa, Laakiinse kuwa daahirkaa hadal wanaagsan bay ku hadlaan.

27. Kan faa'iido u hunguri weynu reerkiisuu dhibaa, Laakiinse kii hadiyadaha necebu wuu noolaan doonaa.

28. Kan xaqa ah qalbigiisu wuxuu ka fikiraa sida loo jawaabo, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu wuxuu shubaa waxyaalo shar ah.

29. Rabbigu kuwa sharka leh wuu ka fog yahay, Laakiinse kuwa xaqa ah baryadooduu maqlaa.

30. Indhaha nuurkoodu qalbiguu ka farxiyaa, Oo warkii wanaagsanuna lafahuu barwaaqaysiiyaa.

31. Dhegtii canaanta nolosha maqashaa Waxay joogi doontaa kuwa caqliga leh dhexdooda.

32. Kii edbinta diidaa naftiisuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa waxgarashuu helaa.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 15