Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Maahmaahyadii 12:19-25 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Bushintii runta sheegtaa weligeedba way sii taagnaan doontaa, Laakiinse carrabkii beenta sheegaa daqiiqad buu joogaa.

20. Kuwa sharka ku fikira qalbigooda khiyaanaa ku jirta, Laakiinse taliyayaasha nabaddu farxad bay leeyihiin.

21. Sharna kan xaqa ah ku dhici maayo, Laakiinse kuwa sharka leh xumaan baa ka buuxsami doonta.

22. Bushimaha beenta sheega Rabbigu wuu karhaa. Laakiinse kuwa runta ku shaqeeya wuu ku farxaa.

23. Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa, Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo.

24. Kuwa dadaala gacantoodu wax bay xukumi doontaa, Laakiinse caajisiinta hawl baa la saari doonaa.

25. Ninkii caloolxumo gashaa wuu soo gotaa, Laakiinse eray wanaagsanu waa ka farxiyaa isaga.

akhri dhamaystiran cutubka Maahmaahyadii 12