Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Laawiyiintii 3:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino ah, oo uu lo'da ka bixinayo, lab ama dhaddig midduu yahayba, waa inuu Rabbiga hortiisa ku bixiyaa neef aan iin lahayn.

2. Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu ku ag gowracaa iridda teendhada shirka, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.

3. Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

4. iyo labada kelyood iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado.

5. Oo wiilasha Haaruun waa inay ku dul gubaan meesha allabariga iyo qurbaanka la gubayo oo kor saaran qoryaha dabka, waayo, taasu waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

6. Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino ah oo uu adhiga ka bixinayo, lab iyo dhaddig miduu yahayba, waa inuu bixiyaa neef aan iin lahayn.

7. Oo hadduu qurbaankiisa wan yar ku bixinayo, Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo.

akhri dhamaystiran cutubka Laawiyiintii 3