Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Laawiyiintii 25:7-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. iyo xoolahaaga, iyo xayawaanka dalkaaga jooga oo dhan waxaa cunto u ahaan doona midhaha dalka iska baxa oo idil.

8. Oo waa inaad tirsataa toddoba sabtiyood oo sannado ah, taasu waxa weeyaan toddoba meelood oo toddoba sannadood ah; oo toddoba sabtiyood oo toddoba sannadood ah wakhtigoodu wuxuu kuu ahaan doonaa sagaal iyo afartan sannadood.

9. Oo dabadeedna waa inaad bisha toddobaad maalinteeda tobnaad buun dhawaajisaa, oo maalinta kafaaraggudka waa inaad dalkiinna oo dhan buun ka dhawaajisaan.

10. Oo waa inaad sannadda kontonaad quduus ka dhigtaan, oo dhammaan dadka dalka deggan oo dhan waxaad u naadisaan xorriyad, oo sannaddaasu waxay idiin ahaan doontaa wakhti yubilii ah; oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii, oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa qoladiisii.

11. Oo sannaddaas kontonaad wuxuu idiin ahaan doonaa wakhti yubilii ah, oo waa inaydaan waxba beeran, ama aydaan goosan wixii beertiinna iskood uga baxa, ama aydaan soo urursan canabka ka baxa geedcanabka oo aan la hagaajin.

12. Waayo, sannaddaasu waa wakhti yubilii ah, oo waa inay idiin ahaataa mid quduus ah; oo waxaad cuni doontaan midhaha berrinka iskood uga baxa.

13. Oo sannaddaas yubilii ah midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii.

akhri dhamaystiran cutubka Laawiyiintii 25