Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Laawiyiintii 25:52-55 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

52. Laakiinse haddii sannado yaru ay ka dhiman yihiin sannadda yubilii ah, markaas waa inuu isaga la xisaabtamo, oo inta sannadihiisu ay yihiin oo kale waa inuu ka celiyaa qiimihii furashadiisa.

53. Oo waa inuu isaga ula joogaa sida shaqaale la kiraysto sannad ka sannad, oo isagu waa inuusan cadaadis hortaada ugaga talin.

54. Oo isaga haddaan sidan lagu soo furan, markaasuu sannadda yubilii ah bixi doonaa, isaga iyo carruurtiisaba.

55. Waayo, reer binu Israa'iil anigay addoommo ii yihiin, oo iyagu waa addoommadaydii aan ka soo bixiyey dalkii Masar. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

akhri dhamaystiran cutubka Laawiyiintii 25