Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Laawiyiintii 19:26-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

26. Waa inaydaan wax dhiiggoodu ku jiro cunin, oo waa inaydaan u tegin falanfallowyo ama aydaan faalna ku noqnoqon.

27. Waa inaydaan timaha madaxa ka jaran dhinacyada, gadhkiinnana waa inaydaan jarin.

28. Waa inaydaan jidhkiinna u gooyn qof dhintay daraaddiis, ama waa inaydaan waxba ku daabicin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

29. Waa inaadan gabadhaada nijaasayn oo aadan dhillo ka dhigin, waaba intaasoo uu dalku noqdaa sino miidhan oo uu shar ka buuxsamaa.

30. Waa inaad maalmahayga sabtida ah dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

31. Ha u jeesanina xagga kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta, oo iyaga ha doondoonina yeydnan nijaasoobine, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

32. Waa inaad qofkii cirro leh u istaagtaa, oo waa inaad ninkii oday ah cisaysaa, waana inaad Ilaahaa ka cabsataa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

33. Oo haddii mid shisheeye ahu idinla deggan yahay dhulkiinna, waa inaydaan xumayn.

34. Shisheeyaha idinla degganu waa inuu idiinla mid ahaadaa sida waddaniga idin dhex jooga, oo waa inaad isaga u jeclaataan sidaad naftiinna u jeceshihiin oo kale, maxaa yeelay, idinkuba shisheeyayaal baad ku ahaan jirteen dalkii Masar, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

akhri dhamaystiran cutubka Laawiyiintii 19