Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Laawiyiintii 18:25-30 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

25. oo dalkii wuu nijaasoobay, haddaba sidaas daraaddeed ayaan xumaantiisii soo gaadhsiinayaa, oo dalku waa mantagayaa dadka deggan.

26. Haddaba idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo waa inaydaan waxyaalahaas karaahiyada ah innaba samayn, kiinnii waddani ah, iyo kii shisheeye ah oo idin dhex degganuba,

27. (waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;)

28. si markaad nijaasaysaan dalku uusan idinkana idiin mantagin, siduu quruuntii idinka horraysay u mantagay oo kale.

29. Waayo, ku alla kii sameeya waxyaalahaas karaahiyada ah, xataa nafihii waxyaalahaas sameeya dadkooda waa laga gooyn doonaa.

30. Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad amarkayga xajisaan si aydaan u samayn oo aydaan ugu nijaasoobin caadooyinkaas karaahiyada ah oo dadkii idinka horreeyey ay samayn jireen, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

akhri dhamaystiran cutubka Laawiyiintii 18