Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Laawiyiintii 13:34-40 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

34. Oo haddana maalinta toddobaad wadaadku waa inuu cambaartii fiiriyaa, oo bal eeg, cambaartu haddii ayan dubka sare ku sii faafin, oo muuqashadeeduna ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, oo isna waa inuu dharkiisa maydhaa oo uu daahir ahaadaa.

35. Laakiinse cambaartii haddii ay dubka sare ku sii faafto daahirintiisa dabadeed,

36. markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cambaartu ay dubka sare ku sii faaftay wadaadku yuusan sii doondoonin timo casuur ah, waayo, ninkanu waa nijaasaysan yahay.

37. Laakiinse cambaartu hadday indhihiisa la ahaato inay joogsatay oo timo madoobuna ay ka bexeen, markaas cambaartu waa bogsatay, oo ninkaasuna waa daahir, oo wadaadkuna waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir.

38. Oo haddii nin ama naagu ay dubka jidhkooda ku yeeshaan baro dhaldhalaalaya, oo ah baro cadcad oo dhaldhalaalaya,

39. markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii baraha dhaldhalaalaya oo dubka jidhkooda ku yaallaa ay yihiin caddaan khafiif ah, taasu waa xaajiin jidhka ka soo baxday, oo qofkaasu waa daahir.

40. Oo haddii nin madaxiisa ay timahu ka dhammaadaan, isagu wuxuu leeyahay bidaar, hase ahaatee waa daahir.

akhri dhamaystiran cutubka Laawiyiintii 13