Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Laawiyiintii 11:14-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo faragooysta caynkeeda,

15. iyo cayn kasta oo tuke ah,

16. iyo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn kasta oo haadka adag,

17. iyo guumaysta yar, iyo xeebajoogta iyo guumaysta weyn,

18. iyo guumaysgeesaleyda, iyo cantalyaaga, iyo gorgorka,

19. iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda, iyo ceelajoogjoogta, iyo fiidmeerta.

20. Oo wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waa idinka karaahiyo.

21. Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waxaad ka cuni kartaan kuwa addimmada ku leh cagahooda ka kor, oo dhulka ku kor boodbooda,

22. iyaga waxaad ka cuntaan kuwa caynkan ah oo ah ayaxa iyo caynkiisa, iyo kabajaanka iyo caynkiisa, iyo jiriqsiga iyo caynkiisa, iyo koronkorrada iyo caynkeeda.

23. Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta cagood lahu, waa idinka karaahiyo.

24. Oo kuwaas idinku waad ku nijaasoobaysaan, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii,

25. oo ku alla kii baqtigooda wax ka qaadaa waa inuu dharkiisa maydhaa, oo nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

26. Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo aan qanjaafilo lahayn ama aan calyanaqsiga raamsan waa idinka nijaas, oo ku alla kii iyaga taabtaana wuu nijaasoobayaa.

27. Oo xayawaanka afarta addinba ku socda, wax alla wixii baabacooyinka ku socdaa waa idinka nijaas, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

28. Oo kii baqtigooda qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, waayo, iyagu waa idinka nijaas.

29. Oo waxa dhulka ku gurguurta oo dhan kuwanu waa kuwa idinka nijaas ah, waana fadhanfadhka, iyo jiirka, iyo amuurka iyo caynkiisa oo dhan,

akhri dhamaystiran cutubka Laawiyiintii 11