Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Laawiyiintii 11:11-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Haddaba iyagu waa inay karaahiyo idinka ahaadaan; idinku waa inaydaan hilibkooda cunin, oo baqtigoodana waa inuu karaahiyo idinka ahaadaa.

12. Wax alla wixii biyaha ku dhex jira oo aan lahayn baalal iyo qolfo waa idinka karaahiyo.

13. Oo haaddana waxaa idinka karaahiyo ah kuwan, oo iyaga waa inaan la cunin, waayo, iyagu waa karaahiyo, waana baqalyada, iyo babawga, iyo saratoosiyaha,

14. iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo faragooysta caynkeeda,

15. iyo cayn kasta oo tuke ah,

16. iyo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn kasta oo haadka adag,

17. iyo guumaysta yar, iyo xeebajoogta iyo guumaysta weyn,

18. iyo guumaysgeesaleyda, iyo cantalyaaga, iyo gorgorka,

19. iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda, iyo ceelajoogjoogta, iyo fiidmeerta.

20. Oo wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waa idinka karaahiyo.

21. Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waxaad ka cuni kartaan kuwa addimmada ku leh cagahooda ka kor, oo dhulka ku kor boodbooda,

akhri dhamaystiran cutubka Laawiyiintii 11